Abdiqani Hussein
5 min readMay 13, 2021

--

31 MAY, DADKEENU WAXAY AADI DOONAAN GOOBAHA CODBIXINTA SI AY TAARIIKH U SAMEEYAAN OO AY SI TOOS AH UGU CODEEYAAN WAKIILLADOODA GOLAYASHA DEEGAANKA IYO WAKIILADA

vxvxv

Sida ku xusan dastuurkayaga qaranka Somaliland, Muwaadin kasta oo jamhuuriyada Somaliland ah oo fuliya shuruudaha sharciga ah wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna doorto.

1960 kii bishii feburary, ayaa dhulkii la odhan jiray British Somaliland Protectorate ee uu maamulayay guumaystihii ingriisku ayaa laga qabtay doorashadii u horaysay oo lagu soo dooranaayo baarlamaan waxaana doorashaada ka qayb qaatay saddex xisbi siyaasadeed oo kala ahaa SNL, USP iyo NUF xisbiyadan ayaa ku loolamayay 33 kursi oo ka koobnaa aqalka baarlamanka ee Somaliland ee wakhtigaas taasi waxa ay aheed bilow fiican oo markaas dadka somaliland u qaadeen dhinaca xisbiyada badan iyo doorashooyinka sida xorta iyo xalaasha ah loogu tartamo waxa ay doorashadaasi rajo galisay shacbiga somaliland oo isku diyaarinaayay xornimo buuxda iyo golayaal matala oo ay toos u soo doortaan

Mudadii u dhaxaysay 1st july 1960 ila 18th may 1991 oo somaliland ka mid ahayd jamhuuriyadii soomaaliada waxa wadanka ka qabsoomay doorashooyin ay qabanayeen dawladihii rayidka ahaa iyo dawladii militaryga ahyd ku waas oo dhaamtood ahaa doorashooyin musqmaasuq hadheeyay

18th may 1991 Somaliland waxa ay dib ula soo noqotay madaxbanaanideedi isla markaana waxa ay dib u yagleeshay haayadihii qaranka, laga soo bilaabo shirwaynihii 1991 kii ka qabsoomay magaalada Burco kaas oo lagu doortay dawladii koobaad ee Somaliland yeelato waxana lagu dooranayay nidaamka wax qaybsiga beelaha kaas oo ku dhisnaa nidaamka dhaqanka bulshada somaliland.

1993 kii waxa magaalada boorama lagu qabtay shirwaynihii labaad ee beelaha somaliland oo mar kale lagu doortay xukuumad iyo golayaal cusub oo mar kale lagu soo doortay nidaamka dhaqanka ee beelaha

1997 kii waxa lagu qabtay magaalada Hargeisa shirkii saddexaad ee beelaha Somaliland kaas oo ahaa kii ugu dambeeyay ee nidaamka beelaha waxana shirwaynaha laysla qaatay in loo guuro nidaam ka dawladnimada casriga ah oo la unko dastuur iyo xisbiyo badan lana dhaqan galiyo doorasho qof iyo cod ah waxaana laga guuray axdi qarameedkii waxana loo guuray dastuur lagu ansixiyay afti dadwayne

Waxa 31 may 2001, afti dadwayne loo qaaday dastuurka jamhuuriyada Somaliland oo waajibinaayay in laga guuro nidaamkii beelaha loona guuro nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyin taas oo muwaadiniinta u suuragalinaya in ay si toos ah u soo doortaan wakiiladooda iyo masuuliyiinta dawlada ee heer deegaan, baaralaan iyo madaxwayne. Waxa la aasaasay 18 December 2002 xafiiska kumishinka doorashooyinka qaranka sida uu dhigaayo xeerka doorashooyinka qaranka ee xeer number 20, 2001. Shaqadii u horaysay ee ay qabtaan gudida doorashooyinka qaranka waxa ka mid ahayd; diiwaan galintii codbixiyaasha oo xiligaa loo adeegsanayay nidaam diiwaan galineed oo buug ah oo lagu qor xogta cod bixiyaasha taas oo markii dambe aan suutagalin. Mudadaa uu komishanka doorashooyinka uu jiray waxa xafiiska soo maray shan gudi oo wakhtiyo kala duwan soo maamulaayay

Qodbka 9 aad ee dastuurka jamhuuriyada somaliland ayaa sheegaya tirada iyo aasaaska xisbiyada somaliland, sidoo kale qodbka 88, 42 ayaa waa jidaynayaa in madaxwaynaha, madaxwayne ku xigeenka iyo golaha wakiilada shantii sanaba mar la doorto, halka qodobka 58 uu sheegaayo in golaha guurtida lixdii sanaba hal mar la doorto. Iyadoo qodabadaa laga duulayo ayaa la aasaasay urur siyaasadeedyo ku dhisan xeerka ismaamulka xisbiyada iyo ururada somaliland ee xeer number 14

Sanadkii 2002 waxa somaliland si toos ah looga diiwaan galiyay lix urur siyaasadeed oo loo aqoonsaday in si buuxda ay uga qayb qaataan doorashada golaha deegaanka isla markaana saddexda xisbi ee u sareeya ay u soo gudbaan in ay noq daan xisbiyo qaran sida uu qoraayo dastuurka iyo xeer number 14

2002 december 15 keedi waxa somaliland ka qabsoomtay doorashadii u horaysay ee golaha deegaanka oo ay galeen ururo siyaasadeedyo kuwaas oo kala aha Udub, Kulmiye, Ucid, Sahan, Asad iyo Hormuud waxana kadib codeentii u soo gudbay xisbiyo qaran; xisbiyada Ucid Kulmiye iyo Udub

2011 kii ayaa la sameeyay gudi iskugu jirta aqoonyahano, ururada bulshada iyo haldoor kale kuwaas oo ka soo talo bixiya in dib loo furo ururada siyaasada iyo in kale gudidaas oo warbixintoodu noqotay in dadka ay la kulmeen ee lixida gobal intooda badani taageereen dib u furista ururada siyaasada waxaana sidaas lagu qaatay dib u furista ururada siyaasada waxaana markiiba wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay xeer number 14 waxaana la magaacabay gudida diiwaan galinta ururada siyaasada

2012 kii ayaa somaliland mar labaad dib loo furay diiwaangalinta urarada siyaasada si fursad loo siiyo muwaadiniinta doonaya in ay furtaan ururo siyaasadeed kuwaas oo ka mid noqda xisbiyada qaranka. Waxa sanadkii 2011, 2012 somaliland iska diiwaan galiyay in ka badan 15 urur siyaasadeed oo cusub, ugu dambayntii markii gudida diiwaangalinta ururada siyaasadu samaysay qiimayn loo raacayo xeer number 14 waxa la siiyaay shahaadada ururnimada lix urur siyaasadeed oo cusub, oo kala ah; Wadani, Xaqsoor, Umada, Dalsan, Rays iyo Nasiye kuwaas oo tartanka golayaasha deegaanka lagalay saddexdii xisbi qaran ee 2002 soo gudbay oo kala ahaa Kulmiye, Ucid iyo Udub

2012 wax yar uun ka hor doorashada waxa tartanka ka hadhay xisbiga Udub iyo urur siyaasadeedkii Nasiye. Waxaan doorashadaas sidaas kaga qaybgalay laba xisbi qaran iyo shan urur siyaasadeed. Waxa ka dib codeentii dhacaday 2012 xisbiyo qaran u soo gudbay kulmiye, Ucid iyo Wadani kuwaas oo ka qaybgalay doorashadii madaxtooyada ee 2017 maantana ah saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira

Laga soo bilaabo 2002 somaliland waxa ay qabtay lix doorasho oo kala ah laba doorasho deegaan saddex doorasho madaxwayne afti dastuur laba diiwaan galineed iyo doorasho baarlmaan kuwaas oo dhamaantood ku qabsoomay si nabad iyo daganaan ah isla markaana ay goob joog ka ahaayeen wakiilo caalamiya oo markii dambe qiray sida waafaqsan shuruucda caalamiga iyo kuwa somaliland ee doorashooyinka loo maamulay

May 31, Somaliland Dadkeedu waxay aadi doonaan goobaha codbixinta si ay taariikh u sameeyaan oo ay si toos ah ugu codeeyaan wakiilladooda golayasha deegaanka iyo wakiilada.

Doorashadan oo ah tii todobaad ee Somaliland is xor iyo xalaal ah uga qabsoomaysa ayaa waxa lagu galayaa markii labaad nidaam diiwaan galineed oo casri kaas oo la sawiraayo bu’da isha (IRIS SCAN VOTER) kaas oo ogalaanaya in halmar uun qofku codeen karo kana hortagaya ku celcelinta hal mar wax kabadan.

Doorashadan ayaa ka dhici doonta guud ahaa lixda gobal ee Somaliland, 23 dagmo doorasho, 2709goobo codbixineed waxaana codeen doona in kabadan 1,290,000 qof oo u diiwaan gashan KDQ waxana qayb qaadan doona 3 xisbi qaran oo ay ka sharaxan yihiin 798 murasha guud ahaaan gobalada Somaliland iyaga oo u ordi doona golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

Tani ayaa Somaliland ka dhigaysa dimuquraadiyada dhif iyo naadir ka ah ee ka jirta guud ahaan qaarada Africa gaar ahaan Geeska ay colaadaha iyo kaligii talisnimadu ay hadheeyeen. beesha caalmka ayaa isha ku haysa kuna majeerata sida xorta iyo xalaasha ah ee ay isku doortaan dadka Somaliland awoodana ay iskugu wareejiyaan si nabdoon.

The writer is a liberal student based in Somaliland.

A.qani Hussein Mohammed (BPA)

--

--

Abdiqani Hussein
0 Followers

The Study of Administration. Youth Activism politics Global Diplomacy — Diplomacy in the Modern World. Liberal student based Republic Of Somaliland