Dharaaro Xasuustood
--
Galabnimadii isniinta - 30kii May, 1988kii, ayaa ciidan ka kooban afar guuto oo uu taliye guud u yahay Mujaahidul akbar, Kornayl Ibraahin-Dhegaweyne ay 2:00 duhurnimo ka soo dhaqaaqeen Masaajid ku yaalla goobta la yidhaahdo Balli Samatar oo xadka u dhaw - qaar badani masaajidkaas waxay ku sii tukadeen salaaddii u dambaysay.
Siduu Dhegaweyne ku sheegay waraysigii SaabTV, saddexda guuto qudhooda waxa taliyayaal ka kala ahaa - guutadii Sancaani oo uu taliye ka ahaa Maxamuud Haybe, guutadii Sayid Cumar oo uu taliye ka ahaa Kornayl Maxamed Cilmi-Galaan iyo guutadii 20aad oo uu Taliye ka ahaa Kornayl Axmed-Dhagax. Guutada afaraad oo jidgoyn ahayd, wali ma hayo taliyahoogii.
Mujaahid Dhegaweyne oo taliska guud haystay, waxa caawinayay Dayib-Gurey, Cabdillaahi Askar, Muuse Biixi iyo Cali-Gurey, sidoo kale afartaas nin waxa loogu talagalay hadduu Dhegweyne dhaawacmo ama dhintaba inay si degdeg ah u beddalaan. Dabcan Dhegaweyne dhaawac weyn ayaa gaadhay, waxaana halkiisii beddalay Muuse Biixi.
Sida ku qoran buugga ‘Dharaaraa Ina Soo Maray’ tira ahaan ciidankani waxay ahaayeen 1400 oo Mujaahid, waxaanay wateen tikniko ka koobnayd: laba jiib, hal Beebee, laba suug, laba baroon, hal BM, iyo hal ZU.
Idil ahaan shidaalkii ay SNM haysatay waxa ku dagaalgalay ciidankii Burco, taasi oo ciidankan Hargeysa ku kalliftay inay saddex maalmood ka dambeeyaan ciidanka kale shidaal la’aan awgeed.
Dhanka ciidamada faqashta ee habeenkaas Hargeysa ku sugnaa, sida ku qoran isla buuggaas, waxay ka koobnaayeen:
Gaaskii 1aad, guutooyinkii 2aad, 5aad iyo 6aad. Guutadii 11aad ee Madaafiicda, Guutadii 24aad ee Kaydka Qaybta, guutadii 97aad iyo 101aad ee ciidanka lugta, guutadii 4aad iyo 65aad ee ciidanka cirka, guutadii 7aad ee Taangiyada, saldhiggii 1aad ee Berbera oo ay wada degganaayeen ciidankii badda iyo kuwii cirkuba iyo guutooyinkii Guulwadayaasha. Isugeynta tirada ciidankaasina waxay kor u dhaafaysay 80,000 oo askari!
Is-barbardhiggu, waa in afar guuto oo SNM ahaa, ay waajahayaan 16 guuto oo faqash ah. Guuto wal oo SNM ah waxa ku soo hagaagayay 4 guuto oo faqash ahaa. Si kale kolka loo dhigo, 1400 oo nin oo SNM ahaa ayaa waajahayay 80,000 oo askari oo isugu jiray lug, madaafiic, taangiyo, cir iyo badba. Macnuhu waa in nin kastoo SNM ahaa ay ku beegnaayeen 57 nin oo faqash ahaa!
Runtu waa in gudagalkaasi ahaa figta geesinimo ay dhif tahay inay taariikhdu dib u diiwaangelisaa.
Waxa fajiciso ah baaxadda farqiga u dhaxeeya labada ciidan, waxaana ka sii yaab badan in ciidankii si walba ay tiradooda iyo tayadooduba u koobnayd ay guulaysteen - iyadoo qiimayn kasta oo suuragalnimo salka ku haysaa muujinaysay in guushu ay dhanka kale raaci doonto.
Waxa kaliya ee lagu sharrixi karaa waa in SNM awood kale ku lammaanayd, waa awoodda Ilaahay e.
Ciidanka SNM ee Hargeysa soo galay bartilmaameedkoodu wuxuu ahaa afar goobood: Taliska Qaybta 26aad (maanta ah Taliska guud ee ciidanka Milatariga), Miiska Saraakiisha (Birjeex), Gegada dayuuradaha Hargeysa iyo Cadaadda.
Ciidanka loo bixiyay Qaybta 26aad, waxaa loogu magacdaray maalintii gobonnimada ee 26kii Juun 1960kii, nasiibdarro se waxay noqdeen ciidankii loo adeegsaday in lagu tirtiro xorriyad kasta oo la helay 26kii Juun.
Ciidankii SNM waxay Hargeysa ka soo galeen xaafadda Sheekh Cumar, waxayna saqdii dhexena - 2:30 habeennimo, weerar toos ah ku qaadeen Qaybtii 26aad, Isla daqiiqaddaasna waxa bilaabmay dagaalkii muddada dheer la sugayay.
Habeenkaasi wuxuu ku beegnaa gudcur, waxa weheliyay in Hargeysa laydhka laga gooyay isla maalintii Burco la galay, waxaana tiixayay roob shuux ah oo aad mooddo inuu Mujaahidiinta ku soo dhawaynayay dhulkooga.
Si kasta oo ay madow u ahayd, daqiiqado gudahood waxa dhulka iftiimiyay hillaaca madaafiicda, gantaalaha, rasaasta, suugagga iyo hub kastoo la isu adeegsanayay oo dadkii maalintaas joogay ku tilmaameen inay sida dhibcaha roobka u xidhiidhsanaayeen: waxaana hubkaas lagaga maarmi karayay in laydh la shitaba.
Iftiinkaas rasaastu, inkastuu quus u ahaa cid kastoo rumaysnayd inay cabsi ku maamuli karto dadweyne; Reer Hargeysa wuxuu u ahaa ifafaalaha mustaqbal ifaya, bilowga yididiilada iyo neecawda rejada - taariikhdu waxay werisay in kala badh dadkii maalintaas Hargeysa joogay ay salaatul-shukri tukadeen.
Afar sannadood oo uu socday dagaalka habeenkaas qarxay, waxa lagu waayay wax kastoo qaali ahaa - boqollaal kun oo nafood, maalaayiin hanti ahayd iyo waxay ummaddu soo dhisaysay intay jirtayba, dabcan se waxaasoo dhan ciil looma qabo, waayo waxa lagu doorsaday gobonnimada, xorriyadda, iyo qarannimada.
Haddii aynu 33 sannadood hortood maantoo kale qori caaradii ku raadinaynay rabitaankeenna, waxa mahad Ilaahay ah inaynu maanta codkeenna ku heli karno wax kasta oo aynu rabno, isla maalintaas maalinteediina cod ku beddali doonno qaar ka mid ah Golayaasha Qaranka oo markaas sida qudha ee lagu beddali karayay ay ahayd qori.
Ilaahay ayaa dharaaraha rogroga!